Bulsha:- Safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen iyo Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay iyo Hay’addo kale oo iskaashanaya ayaa soo daadgureeyay dad badan oo Soomaaliyeed oo ku xanibnaa dagaallada ka socda dalka Yemen.
Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan, Axmed Cabdi Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in dad badani ka soo badbaadiyeen dagaalada ka socda dalka Yemen, Gaar ahaan Magaalada Cadan oo ay Soomaalida ku badantahay.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Qunsulka in wajigii labaad ee lagu soo daadgureeynayo dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Cadan uu bilowday.
Dadkan ayaa badankood waxa ay kasoo jeedeen Koonfurta Soomaaliya, waxaana diyaarad looga soo qaadi doona Magaalada Berbera, iyadoona dhawaan lasoo gaarsiin doono magaalada Muqdisho.


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment