Sonam Kapoor Oo Ka Hadashay Haddii Ay Jeceshahay Ganacsade Anand Ahuja Iyo Waxa Ka Jira Guurkooda

Bulsha:- Marka dhanka shaqada laga hadlaayo sannadkii 2016 mid aan la iloobi karin ayuu u ahaa atariishada uu dhalay halyeeyga Bollywood Anil Kapoor ee lagu magacaabo Sonam Kapoor.

31 sanno jirtaan Sonam Kapoor ayaa abaalmarinno badan ku xaabsatay bandhiggeedii cajiibka ahaa ee filimka Neerja kaasoo la daawaday sannadkii lasoo dhaafay.

Balse marka nolosheeda shaqsiga ah laga hadlaayo Sonam waa atariisho aan inta badan la falgelin saxaafadda, inkastoo ay iskaabulo tahay laguna xanto inuu xiriir jaceyl kala dhexeeyo wiilka ganacsadaha ah ee reer Delhi Anand Ahuja hadana ma jirto cid illaa haatan hadalkaas ka furtay afkeeda.

Marka ay isticmaaleyso baraha bulshada waxa keliya oo ay soo geliso waa sawirro faashiyoon ah, hambalyo iyo sawirro ku saabsan safarrada ay caalamka ku kala bixineyso sidoo kale kuwo ay howleheeda shaqo uga hadleyso… Dhanka xiriirka jaceyl kuma labto marnaba.

Shabakadda Hindustan Times ayaa wareysi ay la yeelatay Sonam waxay ku weydiisay heerka uu marayo xiriirka jaceyl ee kala dhexeeya Anand Ahuja, waxayna ku jawaabtay: “Anigu waxba ma qarinaayo. Balse sidoo kale ma aaminsani inay habboon tahay inaan arrimaheyga shaqsiga ah kala hadlo saxaafadda.
“Marnaba saxaafadda ugama waramo arrimaha shaqsiga ii ah balse sidoo kale kama qariyo. Dadka i garanaaya waa ay ogyihiin in aanan waxba qarsan. Marka laga hadlaayo cidda aan shukaansanayo uma arko wax weyn. Mana fahamsani sababta ay dadku u buunbuuninayaan. Waxaanse doorbidayaa in aanan ka hadlin xiriirkeyga jaceylka”.

Sonam Kapoor ayaa sidoo kale qaab dadban meesha uga saartay wararkii xanta ahaa ee sheegayey inay diyaar u tahay guurka Anand Ahuja.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment