Sheekhow Ila Tali: Ninkeyga wixii aan ku balanay ima siin

Bulsha:-  Alhamdulillah Canada ayaan daganahay da'deyda  waa 22 sano jir, 

mar dhow ayaan nin  is guursanay, 

shuruudaha guurka waxaa ka mid ahaa in ninkeyga uu u dacwooda walaasheyda iga wayn oo joogto Kenya, 

markii aan is aroosnay, wuxuu keenay madax adeeg iyo arimo kale, 

wuuna diiday in uu u dacwooda walaasheyda, xitaa balanta labadeena kaliya ma ogeen waxaa ogaa faamilkeyga iyo kiisa, 

gabar ay isaga isku dhowyihiin ayaa ii sheegtay in uu leenka mar hore si qarsoodi ah uga gatay dad kale oo loo shubay lacagta mar hore, 

wuu iga qarsanayaa arinkaan, maxaan sameeyaa? balantii aan wada galnay kama haayo, 

walaasheydane way isugoosaa waan war galiyay guurkeena  kadib in ninkeyga u dacwoon doono? tala keena waadna mahadsantihiin.asc








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment