Sababtii Keentay Inay Rekha Ka ILMEYSIISO Superstar Aamir Khan Oo Bannaanka Lasoo Dhigay

Bulsha:- Aamir Khan ayaa jebiyey iskoor kasta oo u yaallay Box Office wuxuuna dhigay iskooro cusub markii uu la yimid filimkiisii Dangal.

Aamir Khan ayaana abaalmarinno shaqsi ah ku helay bandhig jilliinkiisii filimkaan, sidoo kale waxaa loo soo jeediyey ammaan shaqsi ah marka laga tago ganacsigiisii heerka sarre ahaa ee uu Dangal ka sameeyey gudaha India iyo daafaha caalamka.

Aamir Khan ayaa xitaa u dabaaldegay guulaha filimkiisa Dangal wuxuuna xafladdaas ku casuumay xiddigo ka xamaasha Bollywood. Waxaana ku jiray Shahid Kapoor iyo xaaskiisa Mira Kapoor, Ranbir Kapoor iyo Jeetendra.

Atariishada halyeeyga ka ah Bollywood Rekha ayaa sidoo kale soo xaadirtay xafladdaas. Si kastaba ha ha ahaatee, Rekha intaas kuma aysan simin, waxayna abaalmarin gaar ah usoo iibisay AK iyadoo farta ka saartay ka dibna Mr. Perfectionist illin ayaa indhihiisa soo dhaaftay.

Xitaa Rekha waxay u keentay Aamir Khan warqad ay gacanteeda ku qortay oo ay ugu sheegeyso sida ay ula dhacday bandhig jilliinkiisii filimkii Dangal iyo guud ahaan farriintii uu xambaarsanaa.

Sida Rekha oo kale, Amitabh Bachchan ayaa sidoo kale ammaanay bandhig jilliinka Aamir Khan ee filimkii Dangal wuxuuna u qoray farriin shaqsi ah.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment