Raggow Naagaha 5taan sifood leh waa in aad ka hartaa Hadii Kale..!

Bulsha:- Rag badan ayaa waxa aay ku mashquulsanyihiin sidii aay u soo kala xulan lahaayeen gabadha aay nolosha la wadagaayaan .

Laakin Shabakada Asalraac ayaa waxa aay ku siineysaa Talooyin muhiim ah oo aad uga badbaadi karto dhibaatada kaa heysato dhanka naag la’aanta.

Waxaa Jira Shan Qodob oo aay muhiin tahay in aad ka eegtid gabdha aad dooneysa in aad nolosha la qeybsato.

1:waa Naag Mashquul badan oo mar walba ku mashquulsantahay labiskaaga balwadaada asxaabtaada iyo qoyskaaga ayey waxa aay ku tahay laf dhuun gashay.

2:Boqorada Baashaalka waa naagtaada laakin hada naasin darro kaligaa naag kuuma aha ee waa lagula leeyahay

3: Daneysato waa naagta markii aay dan kaa leedahay kaliya kugu tiraa hadalada aadka u macaan badan iyo laab qaboojinta laakin markii aay dantaa kaa gaarto ogoow xageeda waxba kama ahid.

4: Xiisaaley: Waa gabadha aadka u xiisaha badan laba maalmood ka dibna kuma taqaan oo wey kaa xiisa dhigtay waayo dantii lagaa lahaa waa lagaa gaaray.

5: Areebo: Naagtan areebada ah ayaa inta badan areebnimadeeda waxa aay soo shaac baxda markii la guursado ka dib laakin adiga ahaan waxaa kuu wanaagsan in aad marka hore iska ogaatid qofta waxa aay tahay .




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment