Bulsha:- Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay Video ka hadlaayo qaabka loo sameeyay goos gooska filimka Filimka Naam Shabana oo ay hogaamiye ka tahay Taapsee Pannu halka Akshay Kumar uu muuqaal marti ah ku leeyahay.
Filimka Naam Shabana waa filim Action ah sidoo kalena sirdoonka Hindiya qaabka ay u shaqeeyaan ka hadlaayo wuxuuna sheeko ahaan ka horeeyay filimka Baby ee Akshay Kumar sanadii 2015 qaybtiisa kowaad waaye filimkaan.
Sidoo kale Filimka Naam Shabana waxaa wax ka jilayaan Prithviraj Sukumaran, Manoj Bajpayee iyo Anupam Kher waxaana la daawan doonaa 31-ka bisha Maarso 2017.
Goos gooska filimka Naam Shabana oo dhameestiran 10-ka bishan Febraayo ayaa lasoo bandhigi doonaa balse ka hor inta aan la gaarin qaabka goos gooska loo sameeyay Video ahaan hoos ka daawo:
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment