Maxkamadda Hargeysa oo la horgeeyay Xamdi Queen oo calanka Somalia xeran!!

Bulsha:- Booliska magaalada Hargeysa ayaa maanta maxkamadda magaalada Hargeysa horgeeyay afartii fannaan ee kooxda Xiddigaha Geeska kuwaas oo lagu haysto safar ay dhawaan ku tageen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Fannaaniinta maanta maxkamadda kasoo hor muuqday ayaa waxay kala ahaayeen Nimcaan Hillaac, Xamda Queen, Maxamed Axmed Bakaal iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi, waxaana ay fanaaniintani isugu xirnaayeen labo iyo hal marka laga reebo Xamda oo iyadu aan jeebeysneyn.

Booliska ayaa maxkamdda horgeeyay oo caddeyn ahaan u cuskanayay sawirro ay fannaaniintani ku sawirnaayeen calanka Soomaaliya ee buluugga ah kuwaas oo qaarkood lagu farsameeyay barnaamijka sawirrada lagu jar-jaro ee loo yaqaan “photoshop”.

Xaakimka maxkamadda, ayaa booliskii waday afartan fannaan wuxuu ku wargeliyay in aanay u soo marin qabashada fanaaniintanii sharciga oo aanay ruqsad maxkamaddeed u heysan, sidaa darteed ay sharciga soo waafajiyaan.



Booliska ayaa go`aanka maxkamadda kaddib dib ula laabtay fannaaniinta oo xabsiga ku celiyay.Dhanka kale fannaaniin farabadan ayaa soo xaadiray maxkamaddii maanta, waxaana ay dhamaantood cambaareynayeen xarigga boolisku kula kacay fannaaniintani.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment