Bulsha:- Inta badan xidigaha Bollywood-ka waxay jecel yihiin inay muranka ka foogaadan sidoo kalena noloshooda gaarka ah aan wax badan laga ogaanin.
Balse taariikh ahaan waxaan idiin heynaa marka ay dhacday in jilaayaasha Bollywood-ka jecel dhex maro balse nadiib daro aysan is calfanin sida diiwaan gashan kuwooda ugu hadal heynta badnaa.
Hadaba xogtaan waa mid soo jireen ah sidoo kalena waqti ahaan aad u fog xiliga ay soo bilaabatay inay xidigaha Bollywood-ka is doortaan laakiin kuwooda aan is calfanin hadal xoogana abuureen ayaan si gaar ah u fiirin doonaa:
Amitabh Bachchan Iyo Rekha: Labadaan jilee is fahankooda wuxuu ka bilaawday intii ay isla jilayeen filimkoodii Do Anjaane ee sanadii 1976 la daawaday.
Laakiin xiriirkoodii qarsanaa wuxuu banaanka usoo baxay markii Amitabh uu u dul qaadan waayay mid ka mid ah jilaayaashii filimkii Ganga Ki Saugandh oo Rekha qash qashaaday ama si xun ula dhaqmay!
Rekha waxay rabtay in Amitabh uu guursado jaceyl xad dhaafna wey u qabtay balse Amitabh wuxuu awoodi waayay inuu qoyskiisa bur buriyo xaaskiisana Jaya Bachchan meel cidlo ah kaga tago.
Ilaa haatan Rekha niyada ayay ka jeceshahay Amitabh xitaa buugeeda nolosheeda ka hadlaayay ayay kusoo bandhigtay sida Big Bachchan mudo dheer nolosheeda saameyn ugu lahaa.
Aditya Roy Kapur Iyo Shraddha Kapoor: Labadaan jilaa markii ay isla jileen filimka Aashique jeceyl ayaa dhex maray sidoo kalena hal meel ayay ku wada noolaayeen in mudo ah.
Laakiin markii dambe wey isdaba qabteen madaama hormarkooda fanka ay ka saameyn badnaatay ka sheekeenta xiriirkooda jaceyl.
Shraddha xiriirka ayay Aditya u jartay waxayna xooga saartay inay nolosheeda fanka xooga saarto si ay atirisho u noqoto, dhawaan filimkii Ok Jaanu ayay isla sameeyeen ayagoo saaxiibo caadi ah waxayna meesha ka saareen inay isku soo laaban doonaan.
Shah Rukh Khan Iyo Priyanka Chopra: King Khan ayaa xidigtaan ka helay marka ay la sameesay labada filim ee taxanaha Don kadib waxaa dhacday in SRK uu xitaa filim soo saarayaasha kala hadlo inay Priyanka filimo tayo wanaagsan u dhiibaan.
SRK iyo Priyanka xiriirkooda wuxuu gaaray heer ay waqti wacan wada qaataan weliba xitaa Priyanka xafiiska gaarka ah ee SRK marar badan ayay ku gaartay labadooda oo kaliya ilaa xili habeenkii waqti dambe ilaa 3:00 habeenimo!
SRK waxaa la tagtay soo jiidashada dheeraadka ah ee Priyanka u tustay balse markii dambe xidigaan sheekada ayaa la xumaatay madaama xaaskiisa Gauri Khan ogaatay!
SRK xaaskiisa ayuu cafis weydiistay kadibna Priyanka ayuu xiriir u jaray ilaa haatana islama shaqeeyaan inta badana wuxuu ka dheeraadaa xidigtaan inay usoo dhawaato ama is arkaan.
La Soco Qaybta Labaad Maqaalkeenaa……
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment