Kangana Ranaut Oo Weerar Xoogan Ku Qaaday Hrithik Roshan, Iyadoo Si Dadban U Sheegtay Inuu Galmo…

Bulsha:-  Atariishada qowlkeedu qodxaha leeyahay ee shirkadda Bollywood Kangana Ranaut ayaa waxaa kasoo yeeray hadal u muuqday inay weerar kula qaadeyso Hrithik Roshan oo dagaal qaboow uu muddo dheer kala dhexeeyey.

Kangana Ranaut waxay ka mid tahay atariishooyinka ugu wanaagsan Bollywood waqtigaan, balse ma ahan shaqsi hadalka la gambada, waxayna sheegtaa hadal kasta oo afkeeda soomara.

Kangana Ranaut oo wareysi siisay shabakadda Mid-Day, ayaana markaan go’aansatay inay weerar ku qaado Hrithik Roshan iyadoo hadal sarbeeb ah adeegsaneysa.

Atariishada filimka Rangoon ayaana laga soo xigtay: “Haweenku uma qalmaan in la handado si galmo loola sameeyo. Kalsooni badan ayaan ku qabaa dumarka jiilkeyga ah. Waa dumar guusha u saaxiib ah taasna waa ay muujiyeen.

“Waxaan aaminsanahay in atariishooyinka Bollywood ay maanta taagan yihiin heer ka xoogan midkii ay horay u joogeen. Raggu waxay u dagaalamayaan in aysan dumarka u ogolaan inay ka hadlaan waxa ku jira maankooda iyo dhibaatada loo geysanaayo.

“Waxaanse ka mahdinayaa in aysan riyadoodu u rumoobin. Waxaan doonayaa inaan ku dhiirrigeliyo haweenka fanka India inay heerka sarre u dagaalamaan. Aniga shaqsi aan lasoo qaatay waqti qurux badan ayaa igu sameeyey arrin xaasidnimo ah. Waana ay i dhaawacaysaa, waxay aheyd khiyaano iska cad, balse uma joogsan”.

Sannadkii 2016kii ayey aheyd markii ay dagaal afka ah galeen Hrithik Roshan iyo Kangana waxayna dabcan markale durtay 43 sanno jirkaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment