Bulsha:- Aktarka caanka ah Karan Johar dhawaan ayuu buugiisa The Unstoppable Boy ku sheegay in isaga iyo atirishada Kajol isku dhaceen sidoo kalena dibna u heshiin doonin.
Jilaagaan Karan Johar ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inuusan dib dambe Kajol ula heshiin doonin madaama ay qalbiga ka dhawaacday haatana wax xiriir ah labadooda ka dhaxeynin.
Atariishada Kajol ayaa ugu dambeyntii sheekadan ka hadashay waxayna tiri “Waxaan u maleynaa in sida guud xirirada ay dhib badan yihiin, Bollywood-ka wax shaqo ah kuma lahan qilaafka aniga iyo Karan na dhex yaalo”
“Ma doonayo inaan iska hadlo sida Karan Johar oo kale wax walbo oo dhacay waxay leeyihiin xadi laga warbixin karo ee ma ahan in wax walbo la isaga hadlo!”
Hadaba Kajol ma dooneyso inay wax walbo sii huriso sidoo kalena ma ahan qof rabto inay sii wado dagaalka kala dhaxeeyo Karan Johar marxalad kale inuu sii galo.

Aktarka caanka ah ee Karan Johar waxaad moodaa inuu yahay qofka sida weyn u gubanaayo oo saxaafada wax walbo uga waramaayo wixii isaga iyo Kajol dhex maray laakiin xidigtaan waxay dooratay inay wax walbo ka gaabsato si saxaafada aysan hawl kaga dhiganin inay marwalbo ka wareestaan dagaalka Karan Johar kala dhaxeeyo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment