Haweeneydii Shalay Lagu Qabtey Muqdisho oo Sheegtay Inay Is Qarxin Lahayd Hadii ay Haysan Lahayd Miino (VIDEO)

Bulsha:- Haweeneydii shalay ciidamada Sirdoonka Qaranka ay ku qabteen magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Leyla Cumar Baaruud, ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay Xabsiga Godka Jilicow ee Degmada Boondheere,

Haweeneydani ayaa shalay subax lagu soo qabtay hawlgal gaar ah oo laga sameeyay Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.



Islaantani ayaa la sheegayaa inay u dhaxdo Sarkaal Ajaaniibta Ururka Al Shabaab ka tirsan, oo dhalashadiisa lagu sheegay Itoobiyaan, waxaana gacanta lagu soo dhigay, xilli ay damacsaneyd inay safar ugu amba baxdo Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay inay shantii bilood ee la soo dhaafay ay ku daba joogay haweeneydan, oo sida la sheegay ku dhuumaaleysaneysay Magaalada Muqdisho.

Leyla Cumar Baaruud, ayaa waxay ku baaqday in codkeeda aan waxba laga jarin, iyadoona ku talisay inay waajib tahay in la dilo Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Haweenaydani ayaa sheegtay inay iyadu isku qarxin lahayd hadii ay haysan lahayd jaakadaha la’isku qarxiyo, waxayna xitaa murtidiin ku tilmaamtay wariye yaashii waraysanayay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment