Bulsha:- Generaal Gabre oo ah Generaal u shaqeeya kana tirsan ciidamada sirdoonka ee dalka Itoobiya, ayaa waxa ay guul daro xun ka raacday xaruntii lagu qabanayay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Gen. Gabre oo goobjoog ka ahaa xarunta ay doorashada ka dhacaysay ayaa xaruntaasi isaga baxay, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu helay codadka xildhibaano gaarayay 184, taasi oo uu ku ogaaday in qorshihiisii uu Fashilmay, waxaana wax yar kadib uu isaga baxay xaruntii ay doorashada ka socotay.
Hadaba marka la eego baraha lagu wada xiriiro ee bulshada, ayaa waxaa doorashada Farmaajo kadib dhex yaacaya sawirrada Gabre oo loogu goodinayo inuu dalka ka tarxiili doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaasoo aan aad ugu jillicsaneyn dowlaha deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya.
Dowladda cusub ayaa la sheegayaa inay ka baaraan dageyso qaabkii ay maamulka Itoobiya ugu qancin laheyd in shacabka Soomaaliyeed ay diidan yihiin joogista gen Gabre ee dalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay hammineyso in lagu celiyo dhulkiisa oo lagu soo baddelo diblomaasi kale oo howsha Itoobiya meeshiisa ka sii wada.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment