Bulsha:- Nafyahey waxaad tahey ubax ku beeran wadnaheyga, dhiiga halbowlaheyga kala shubaayo ayaana sida biyaha aad quudataa mana jirto cid kula waraabeysa.
¨ > Sida ileyska ayaad wadnaha iiga abaartay sidaas oo ay tahay ma tihid mid sida ileyska qoraxda waayo ma gubeysid wadnaheyga aad dhex qaaday ee waxaad iftiin siineysaa wadna mugdi ahaa adiga hortaa.
¨ > Markaan ku jeclaaday ayaan nafteyda weydiiyay waa kuma cidaan aad jeclaactay waxeyse iigu jawaabtay waa ileys aan dameyn, waa wadne ooyaya marka wadnahaagu ooyo misana farxaya markaad faraxdo.
¨>Waxaan ogaaday in jaceylku uu amaanno yahay markaas ayaan jaceylkeena waxaan giliyay qasnad waxaan ka cabsaday in furaha layga xado, hadana waxaan giliyay god waxaana ka baqay in cid kale ay faagato , xayaati.com,balse markii dambe waxaan ku giliyay Qalbigeyga waayo waxaan ogaaday in halkaas cidna kaa gaari Karin.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment