Bulsha:- Kenya ayaa sheegtay in Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda Kenya ay ku lahayeen Deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubadda Hoose, ay ka qayb qaateen rag u dhashay dalka Kenya.
Dowladdu ayaa waxa kale oo ay sheegtay in weerarkii deegaanka Kulbiyow ay sidoo kale ka qeyb qaateen dagaalyahano ku jira Al-Shabaab oo ka soo jeeda dalka Tanzania.
Weerarkan oo ku bilaawday qaraxyo waa weyn ayay dowladda Kenya sheegtay inay fuliyeen dhalinyaro Kenyaan ah , islamarkaana kadib ay dagaal toos ah ay bilaabeen dagaalyahanada Soomaalida ah.
Sida laga soo xiganayo Hay’adda ammaanka dowladda Kenya, dagaalkii Kulbiyoow waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 500 oo dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan , waxaana badankood ay kasoo jeedaan dalalka Kenya iyo Tanzania.
“Qof kii ugu horeeyay ee waday Gaarigii lagu Qarxiyay Saldhiga ciidanka , waxa uu ku hadlaayay luuqadda Sawaaxiliga ee looga hadlo Kenya.” Sidaas waxaa yiri sarkaal u hadlay dalka Kenya.

Ururka Shabaab ayaa shalay Warbaahintooda ku soo bandhigay Sawirada weerarkii ka dhacay Kulbiyoow, taasi oo muujinaysa in Khasaaro xoogan oo weerarkaasi uu ka soo gaaray ciidamada Kenya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment