Bulsha:- Waxaa soo baxaya wararka sheegaya in diyaarad xamuul oo ay leeyahay dowladda dalka Itoobiya, ay hub fara-badan ka soo dejisay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.
Hubkani ayaa ah mid aan la’ogayn cida loo wado iyo cida soo degsatay intaba, waxaana shalay galab la xiray dhaq-dhaqaaqii garoonka Kismaayo.
Korneyl C/wahaab Cismaan Aadan oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ka hawlgala Gobolada Jubbooyinka, ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarad ay leedahay Dowladda Itoobiya, gelinkii dambe ee shalay ay ku soo degatay garoonka Kismaayo.
Korneyl C/wahaab ayaa sheegay in diyaaraddu ay waday hub fara-badan, ayna ka dejiyeen Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Itoobiya, ee ku sugan Magaalada Kismaayo.
Wuxuu intaa ku daray in hubkaasi lagu xareeyay bakhaaro ay Itoobiya ku dhex leedahay Garoonka Kismaayo, haddii ay yihiina Saraakiishii Ciidanka Xoogga ee Jubbooyinka, ay arrintaasi u arkaan mid khatar ah.
Korneylka ayaa tibaaxay inaysan garanayn cidda loo wado hubkaasi, ha yeeshee ay xogta ku helayan in hubku uu ku socday Maamulka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), si loogu sii huriyo dhibaatada ka taagan dalka, waa sida uu yiriye.
Sarkaalkan oo wareysi siiyay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa waxaa la weydiiyay in hubku uu qayb ka yahay hawlgalada Ciidamada Jubbaland iyo Amisom ay ka wadaan Gobolada Jubbooyinka, ayuu Korneylka gaashaanka u daruuray.
DHAGAYSO
Blogger Comment
Facebook Comment