Bulsha:- Shaki kama taagna xiriirka daba dheeraaday in uu keeno macsi, waana caqabadaha baajiya guurka ama labada israbta in xiligii loo baahnaa guurka uu dib u dhac ku yimaado, xiriirka hadii uu daba dheeraada waa mid labada qof hadalada ay ku hadlayaan marba marka xigi uu noqda hadalo kiciya dareenka labada qof.
Inta badan noolaha kuma dagdagaan guurka, waa kuwa marka hore door bida xiriir kaas oo marka dambe noqon doona mid u gogol xaar guur, hadaba xiriirka jaceylka ee daba dheeraada ayaa la sheegay in uu leeyahay dhibaatooyin fara badan, waxaana ka mid ah.
1. Wuxuu sababa xiiso la aan
xiriirka aan waqtigiisa xadid neen waa mid bahdila qiimaha jaceylka, waa mid sababa in adiga oo xiriir laleh qof in aad damacdo ama shukaansato qof kale, wuxuuna keenaa ahmiyad la’aan.
2. Guurka Dhadhan Ma ulahan
xiisaha iyo macaanida la isku qabay waa kuwa inta badan ku soo dhamaaday xiligi uu xiriirka jiray, guurka ayaa dhadhan uleh dadka isku xiiso qaba laakiin dadka xiriirkooda uu dheeraado waa kuwa aan dhadhamin farxada nolosha maadaama inta badan ay farxada ku soo qaateen guurka ka hor.
3. Wuxuu sababaa macsi (sinoo wasmo xaaran ah)
Shaki kama taagna xiriirka daba dheeraaday in uu keeno macsi, waana caqabadaha baajiya guurka ama labada israbta in xiligii loo baahnaa guurka uu dib u dhac ku yimaado, xiriirka hadii uu daba dheeraada waa mid labada qof hadalada ay ku hadlayaan marba marka xigi uu noqda hadalo kiciya dareenka labada qof.
isku soo duuduub xiirka daba dheeraaday ayaa leh caqabada badan inshaAllah waxaan soo qaadan doonaa faa’iidooyinka uuleeyahay xiriirka daba dheeraaday iyo xiriirka cusub dhibka uuleeyahay iyo faa’iidiisa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment