DAAWO SAWIRADII UGU DANBEEYAY:- Amniga Muqdisho oo Maanta aad loo Adkeeyay iyo Wadooyinka Muhiimka ah oo Xiran

Bulsha:- Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta ah kuwo xiran maalintii labaad, iyadoona wadooyinka muhiimka ah lagu arkayo ciidamo aad u hubaysan oo sugaya amniga.

Hay’adaha ammaanka, ayaa waxay tani ku doonayan in ay ku xoojiyan nabadgelyada doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.



Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta dooranaya madaxweynihii dalka hogaamin lahaa afarta sano ee soo socota.


Ciidamada Dowladda, ayaa wadooyinka qaarkood ku gooyay gaadiidkooda, halka wadooyinka kalana ay biro ku gooyeen, si ay kaga hortaggan falalka liddiga ku ah xasiloonida, illaa iyo inta doorasahada laga soo gaba gabeynayo.

Marka laga soo taggo in gaadiidka dadweynaha laga joojiyay isticmaalka wadooyinka, ayaa waxaa wadooyinka loo ogolyahay in ay adeegsadan gaadiidka musharaxiinta, Xildhibaanada Labada Aqal iyo kuwa Ciidamada Dowladda & Amisom.


Xirnaanshaha wadooyinka, ayaa si guud looga dareemay Magaalada Muqdisho, waxayna aad u yareysay ama ay gebi ahaanba xirtay isu socodkii bulshada ee qaybaha kala duwan ee caasimada.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment