Bulsha:- Dr. Cali Saciid Faqi oo uu maanta Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Dad badani waxay xilkaas u yaqaannaan Chief of Staff Xafiiska Madaxweynaha.
Dr. Faqi waa aqoonyahan, wuxuuna saaka ka hor ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Biljam, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels.
Sidoo kale ayaan u hambalyeynayaa Siyaad Maxamuud Shire oo uu Madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.
Siyaad oo in muddo ah u soo shaqeeyay dowladdu wuxuu saaka ka hor ahaa Qunsulka Guud ee Jiddah, ka horna Qunsulka Nairobi, 2012 wuxuu muddo kooban ahaa Xildhibaan, ka horna wuxuu la shaqeeyay Ra’iisal Wasaaraha.
Siyaad waa ma-nooge shaqo badan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment