DAAWO Muuqaal Toos ah: Khudbadaha Musharixiinta Madaxwaynaha Somaliya

Bulsha:- Qeybtii labaad ee Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa maanta hor-yimid Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo khudbado ay uga hadlayaan barnaamijkooda siyaasadeed jeedinaya.

Musharaxiinta maanta khudbadaha jeedin doona ayaa ahaa 8 musharax, Balse waxaa la sheegay inuu Tanaasulay oo Doorshada isaga Hadhay Musharax C/llaahi Cali Xasan, waxaana Musharax walba uu heystaa muddo 30 daqiiqo inuu ku soo bandhigo barnaamijkiisa iyo waxqabadkiisa, hadii la doorto iyadoo Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Musharaxiintii u horeeyay ay jeediyeen Khudbadahooda.


Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah ay dhaceyso qeybtii labaad ee khudbad jeedinta Musharaxiinta, Waxaana soo Jeedin doona, C/naasir Cabdulle Maxamed, C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees), C/laahi Ciilmooge Xirsi, C/qaadir Cosoble Cali Iyo Cali Xaaji Warsame.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment