Atirishada Caanka Ah Tabu Oo Ku Biirtay Kooxda Filimka Golmaal 4 Wax Ka Jileyso

Bulsha:- Tabu waxay ka mid tahay atirishooyinka ugu jiliinka wanaagsan Bollywood-ka sidoo kalena door walbo sameyn karo ayadoo abaal marino kala duwan ku guuleesatay.

Haatan waxaa la xaqiijiyay in Tabu inay door shactiro sameyn doonto madaama ay si rasmi ah ugu biirtay kooxda filimka Golmaal 4 sameeneyso.

Golmaal Again ama Golmaal 4 waxaa Director ka ah Rohit Shetty halka Ajay Devgn uu hogaamiye iyo soo saare ka yahay.

Waxayna Tabu tiri “Lama yaabin kamana nixin markii Golmaal Again la ii soo bandhigay sheekadisa, waayo waan ka helay sida caadiga ah waan jeclaa waligey daawashada taxanaha Golmaal”

“Aadban ugu faraxsanahay inaan Golmaal qayb ka noqdo sidoo kalena Ajay Devgn waa saaxiibkey sidoo kalena dhamaan jilaayasha kale ee filimkaan aqoon fiican ayaan u leeyahay”

Filimka Golmaal Again waxaa wada jilayaan Ajay Devgn, Arshad Warsi, Parineeti Chopra, Tusshar Kapoor, Tabu iyo xidigo kale waxaana la qorsheenaa in la daawado dhamaadka bisha October ee sanadkaan 2017.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment