AR FARMAAJO II GEEYA; Wiil dhalinyaro ah oo erayadaas ku dhowaaqay oo goor dhow la kulmaya Farmaajo

Bulsha:-  Wiil dhalinyaro ah oo Baraha Bulshada qabsaday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay isagoo ku dhowaaqaya AR FARMAAJO II GEEYA ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Cabdulahi Maxamuud Cismaan(Daanyerow) ayaa ah nin dhalinyaro beeralay ah, degena magaalada Jowhar ayaa noqday qofka ugu shacbiyada badnaa banaanbaxyadii lagu taageerayay doorashada Madaxweyne Farmaajo oo habeenimadii Khamiistu soo galaysay meelo badan oo adduunka ah ka dhacday.

Daanyerow ayaa waxa uu dhex maray habeenimadaas iyadoo ay dhalinyaro badan daba ordayeen wadooyinka magaalada Jowhar waxana uu ku dhowaaqayay Ar Famaajo Ii Geeya dhalinyaradii la socotay ayaa waxa ay oranayeen Waa Laguu Geeynaa.Ar Farmaajo Ma ii geysiinoo, Ar Xamar Lug ha la iigu geeyo Jeenan Xumaa I qabatayee.


Dhalinyaro reer Jowhar ah ayaa dadaal u gashay sidii ay ugaga dhabayn lahaayeen codsiga Cabdulaahi Daanyeerow ee ahaa Farmaajo Ha La Ii Geeyo. Waxayna la xiriireen saraakiil ka mid ah guddigii u qaabilsanaa ololaha doorashooyinka Madaxweyne Farmaajo iyadoo laga aqbalay in Daanyeerow uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo. Waxaan rajaynaynaa in kulanka Cabdulaahi Daanyeerow iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu noqdo mid xiisad iyo xamaasad badan leh.









waa sheeko qosol badan xaasadna leh kkkkk








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment