50 Tilmaamood Oo La Isku Raacay In Ay Haweenku Ragga Ku Doortaan, Gabadh Kastaana Jeceshahay In Ay Ka Hesho Mataankeeda Nolosha

Bulsha:-  Rag iyo dumarba waxa jira sifooyin ama tilmaamo midiba kan kale la jeclaan lahaa in uu ku arko. Waxa jira sifooyin badan oo ay haweenku ku qiimeeyaan ragga ay jecel yihiin in ay nolosha la wadaagaan, ragguna waa sidaasi oo kale waxaanay jecel yihiin ama ay jeebadda ku haystaan liis dhan oo tilmaamo ah oo haweenka qaar leeyihiin, isla markaana jeclaan lahaayeen in ay yeelato haweenayda uu rabaan in ay nolol la qaybsadaan.

Waakee ninka ay haweenku aad u jecel yihiin ee soo jiidashada badani? Waa su’aal in badan la is waydiiyo. Xataa rag badan ayaa is waydiiya waakee tilmaamaha ragga qaar leeyihiin ee haweenku jecel yihiin?
Qormadan kooban oo aan ka soo turjunnay shabakad ka faalloota arrimaha qoyska iyo jacaylka oo laga leeyahay wadanka Masar, waxaa jira 50 sifo ama tilmaamood oo ragga qaarkood leeyihiin haweenkuna si weyn u jecel yihiin kuna raacaan, kuwaasi oo kala ah:

1. Ninka Eegmada Deggan: Indhuhu waxa ay ka mid yihiin aaladaha ugu soo jiidasho badan ee Ilaahay SWT addoomihiisa ku galladay. Indhaha iyo daymadoodu waxa ay saamayn weyn ku leeyihiin dareenka soo jiidasho, waana astaanta ama halka ugu horraysa ee qofka laga dheehdo marka aad la kulanto. Daymada qofka ee aragiisu waxa ay muujisaa dareenkiisa akhlaaqeed, hab-dhaqan iyo sifo ee qofka u gaarka ah. Indhuhu waxa ay u hadlaan sida carrabka oo kale umana baahna turjumaan. Raggu waxa ay ka hadlaan indhaha waana dareenka ugu sarreeya ee ay wax ku cabbiraan sidaa darteed ragga daymada deggan ee naxariista leh gabdhuhu kama xiiso gooyaan. haweenku waxa ay ka didaan oo neceb yihiin ragga aragga ama eegmada kulul.

2. Ninka Kalsoonida Badan Ee Nolosha Waajaha:Noloshu waxa ay u baahan tahay in lagu qaabilo kalsooni iyo ad’adkaan ragannimo. Waxa jira dad badan oo nolosha in ay waajahaan ku fashilma ama ka baqa. Ragga dhiirran ee inta badan noloshooda ku qaabila dhiirranaan iyo hayaan nololeed oo dadaal ahi waxa ay noqdeen kuwo qalbiyada haweenka ku weyn. Kalsoonida naftu waa astaan xaqiijisa gaadhidda himilada guusha. Marka ninku noqdo mid isku kalsoon ayay haweenayda iyo dadka kalena ku kalsoonaadaan.

3. Ninka Joogga Dheer leh: Qaab-dhismeedka dherer ee raggu wax ay ka mid tahay astaamaha sida weyn haweenku u qiimeeyaan. Ragga leh joog iyo qaab dhismeed dheer, aad ayay haweenku u jecel yihiin. Waxaana la sheegay in ragga dhaadheeri noqdeen kuwa ugu saamaynta badan soo jiidashada haweenka iyo soo jiidashada marka la barbar dhiggo ragga gaagaaban. Haween badan oo dookhooga ragga la waydiiyey waxa ay u bateen in ay jecel yihiin ragga dherer ahaan dhaadheer.

4. Ragga Jidh Ahaan Xooggan/Muruqyada Duuban:Waa astaan casrigan si weyn u caam yeeshay. Haween badan oo wax laga waydiiyey dookhooda ragga ayaa si dhib yar ugu jawaabay in ay jecel yihiin ragga muruqyada waaweyn ama jidh ahaan dhisan. Muruqyada caloosha, gacmaha iyo garbihiisuna duuban yihiin. Haweenka casrigani ma jecla ragga buuran/Cayilan ee aan murqahoodu duubnayn. Waxaanay si siman u neceb yihiin ragga caloosha leh.

5. Ragga Kaftanka Badan: Haweenku waxa ay si ba’an u jecel yihiin Ragga maadayska badan ee inta badan dadka u sheekeeya, kaftanka badan ee ka qosliya. Waxa ay neceb yihiin ragga aamuska badan ee hadalka yar. Ragga dabacda-san ee degdeg u cadho burbura ama aan sida qaalibka ah cadhoon ayay haweenku jecel yihiin ee sida dhakhsaha ah u cadho burbura haddiiba uu cadhoodo. Waxa ay neceb yihiin ragga cadhada dhaw ama aan hore u cafin dadka.


….La Soco Timmaamo Kale Oo Xiiso Badan







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment