Bulsha:- 1-Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbigeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada adduunka .
2-Jaceylkeygaay waxaan ogaaday in Jaceylku macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan adiga ku jeclaaday .
3-Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaasio.
4-Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga .
5-Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka .
6-Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo .
7-Xubbi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad yaala dunida aan ku qoro Jaceylkaaga.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment