Samsung: Baytariga ayaa keenay gubashada taleefanka Galaxy Note 7

Bulsha:- Shirkadda Samsung oo baaritaan ku samaysay sababta uu la kululaanayay ama la gubanayay taleefoonkeeda Galaxy Note 7 ayaa ogaatay in mushkiladdaasi ay ka imanaysay cilad gashay baytariga.

Shirkadda ayaa bishii October ee sanadkii hore joojisay iibinta taleefankeedan ka dib markii ciladdaas lagu arkay.

Isniintan ay shirkaddu sheegtay in ciladdaasi ay ku egtahay baytariga oo kali ah isla markaasna aysan la xiriirin qaybaha kale ee taleefoonka.

Waxaa loo malaynayaa in shirkaddu ay khasaartay 5.3 bilyan oo doolaar ka dib markii ay joojisay iibinta taleefakaas isla markaasna ay soo celisay kuwii ay iibisay, ka dib markii ay ka cawdeen macaamiishu, arrintaas ayaana dhaawacday sumcaddii shirkaddaas oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Shirkadda ayaa ciladda Galaxy Note 7 ku faahfaahisay war qoraal ah oo ay soo saartay.
Shirkaddu waxay sheegtay in qaabayta taleefanka iyo labo warshadood oo taleefanadda lagu sameeyo ay kaalin ku lahaayeen ciladda baytariga gashay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment