Priyanka Chopra Oo Dib U Bilowday Duubista Filimkeeda Hollywoodka Ah Ee Baywatch

Bulsha:-  Priyanka Chopra waa qof mashquul badan mar walbana u kala gooshta goob ilaa goob kale si ay u xafido xirfadeeda shaqo iyadoo ku guuleystay abaalmarinta People’s Choice Awards ee lagu qabtay Los Angeles, PeeCee waxey dib ugu laabatay magaalada New York si ay usii wado duubista musalsalka Quantico inkastoo sidoo kalana ay kasoo muuqatay barnaamijka Jimmy Kimmel Live.

Si kastaba Priyanka Chopra waxey mar kale dib ugu soo laabatay Los Angeles si ay usii wado duubista filimkeeda Hollywoodka ah ee Baywatch, gabadhaan dabiiciga ah ee reer Hindiya ayaana sawir soo dhigtay barteeda bulshada ee Instagram-ka.



“Waxaan kusoo laabanay L.A, mar kale aan horay u socono, mar walba waqtiga wuu ordayaa, meel walba oo aad aado iyo meel walba oo aad joogto” Ayey kusoo hoos qortay sawirka ay soo galisay barteeda Instagram-ka







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment