Bulsha:- Hore ayay soomaalidu u tiri raggu waxa ay gabdhaha ka fiiriyaan xabadka marka ay soo socoto, marka ay sii socotana badhida. Mar la waydiiyay rag qaybta ugu soo jiidashada badan jirka haweenka ayaa waxa ku adkaatay in ay kala doortaan badhida iyo naasaha. Waxa ku adkaaty midka ay siin la haayeen kaalinta koowaad. Waxa kale oo ay isku raaceen qaybta ka midka ah jirka ee ugu soo jiidashada yar.
Arintan ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin laga soo sameeyay Viagra. Waxa waraysiga ka qayb galay rag tiradoodu dhan tahay 2112, da’dooduna u dhexayso 20 ilaa 80 jir.
Ragan la waraystay ayaa boqolkiiba 27 waxa ay sheegeen in badhidu tahay ta ugu soo jiidashada badan halka tiro taas la mid ahina dooratay naasaha.
Badhida iyo naasaha kadibna waxa kaalinta sedexaad soo galay wajiga. Halka indhuhuna galeen kaalinta afaraad. Waxa kale oo la tix galinayaa in ay ku kala duwanaayeen juquraafi ahaan ragu sida ay u kala doorteen.
Waxa safka qaybaha jirka ee soo jiidashada leh ka galay kaalinta hoose gacmaha, garbaha iyo lugaha.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment