Bulsha:- Sida ay soo saareen baadhayaal caalami ah oo
ku takhassusay cilmiga Niturationka ayaa
isku dhafka muusku waxa uu ka caawiyaa
raga inuu jidhkoodu kala dago,
dheefshiidkooduna si habsami ah u
shaqeeyo, arinkan oo kor u qaadaya
awooda ninku uu
bixinayo xilliga galmada.
Sida ay lagu sheegay badhitaannadan
faraha badan ee lagu sameeyay muuska
ayaa waxa lagu ogaaday in isku dhaf ay
ka kooban yihiin curiyayaasha dabiiciga ah
ee muusku uu khudaartan ka dhigo sida
kiniinka kor u qaada awooda galmada ee
loo yaqaan viagrada, isaga oo ninka kusoo
kordhinaya awood layaab leh, isla
markaana kor u qaadaya dareenkiisa
raganimo.
Waxaana xusid mudan in
diraasadan ay ka qayb qaateen 148 nin oo
kana dhacday wadammada Germany iyo France, iyada oo
soconaysay muddo 4 bilood ah,
taasi oo ay ragani cabeen sharaab
u digma 4 ilaa 6 xabbo oo muus ah, looguna dhex walaaqay
qofkastaaba nooca khudaar ee uu ka helo, waxyaruun ka hor
intaanay samayn galmada.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment