Mo Farah oo walaac ka muujinaya go’aankii Donald Trump ee lagu mamnuucay soo gallootiga

Bulsha:- Orodyahanka asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya laakiin heysta dhalashada dalka Britain, Sir Mo Farah, ayaa dhaliilay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Maraykanka uga mamnuucaya dadka asal ahaan kasoo jeedda todobo dal oo Muslim ah.

Orodyahanka ayaa sheegay in hadda uusan hubin in uu dib ugu laabanayo Maraykanka, halkaasi oo muddo lixa sano ah ay deganayeen isaga iyo caruurtiisa gaar ahaan gobolka Oregon ee dalkaasi.

“Waxaan aad uga xumahay in aan carruurteyda u sheego in Aabahood ay suuragal tahay in uu dib ugu soo laaban,” ayuu yiri Mo Farah oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxaa uu ku tilmaamay siyaasadda Trump mid khaldan oo naceyb abuureysa, madaama arinta ay saameyn ku yeellan karto dad badan oo degan dalkaas, laakiin hada dibada uga maqan, laakiin waxaa uu rajeyay in mar uu isbadal iman karo.

Amarka Trump ayaa muddo 90 maalmood ah Maraykanka ka mamnuucay muwaadhiniinta dalalka Iran, Ciraq, Liibiya, Soomaaliya, Sudan, Suuriya iyo Yemen.

Ugu danbeyntii, xannibaadaasi ayaa sidoo kale saamayneysa dadka asal ahaan kasoo jeeda dalalkaasi, isla markaana haysta baasaboor dal labaad.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment