Bulsha:- Super Star Hrithik Roshan wuu soo laba kacleeyay madaama filimkiisa Kaabil maanta siweyn kaga faa’iideestay maalinta Jamhuuriga Hindiya oo fasax Hindiya dhan ka jiro.
Hadaba Kaabil iska hilmaan in maalintiisa kowaad lacago gaabis ah keenay sidoo kalena farqi weyn Raees ku garaacay laakiin haatan loolanka waji cusub ayuu yeeshay.
Waayo Kaabil caawo fiidkan tiyaatarada laga daawanayo badankooda waa lasoo buux dhaafiyay weliba 80% ilaa 90% ayuu filimkaan gaaray caawo!
Waqooyiga Hindiya, Koonfur Hindiya, Mumbai iyo hareeraheeda magaalooyinka waa weyn filimka Kaabil waa lasoo buux dhaafiyay caawo waxayna midaas cadeyn u tahay in filimkaan hadal heyntiisa aad u sareyso madaama sheekadiisa la isku raacay inay mid aad u wanaagsan.
Kaabil si guud ayuu kaga faa’iideestay maanta fasaxa weyn ee Hindiya ka jiray sidoo kalena ganacsi lixaad leh ayuu sameeyay ayadoo tiyaatarada 60% Raees la siiyay halka filimkan 40% tiyaatarada loo qoondeeyay.
Qiyaas ahaan filimka Kaabil maalintiisa labaad wuxuu keeni doonaa lacago u dhaxeeyo 15 Crore ilaa 16 Crore waxaaba macquul ah inuu ka sare maro madaama weli caawo gelinka dambe harsan tahay.
Kaabil wuu soo laabtay weyna adag tahay in filim maalintiisa kowaad Boxoffice-ka loogu garaacay inuu 50% ka badan ganacsigiisa maalintiisa laba jibaarmo.
Kaabil waxaa laga rabaa inuu joogteeyo sare u kaciisa sidoo kalena maal maha Jimcada ilaa Axada ganacsi wacan sameeyo si uu filimkaan mudo dheer tiyaatarada baaqi ugu ahaado.
Balse arinka xiisaha badan waxay tahay in Kaabil haatan u muuqdo filim siweyn dadka usoo dhaweenayaan sidoo kalena uu aad usoo yareenayo farqiga weyn ee filimka Raees maalinta kowaad ganacsi ahaan iyo saameyn ahaan dheeraa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment