Ma Ogtahay In Filimka Jab We Met Ay Sameen Rabeen Bobby Deol Iyo Preity Zinta

Bulsha:-  Bobby Deol oo maanta u dabaal dagayo sanad guuradiisa 50-aad ayaa daaha ka qaaday in filimka Jab We Met ee Hit-ka weyn noqday sanadii 2007 loogu tala galay inay sameeyaan isaga iyo Preity Zinta.

Bobby Deol ayaa sheegay in Director Imtiaz Ali uu isaga la wadaagay sheekada Filimka Jab We Met oo markaas magac ahaan la dhahaayay Geet.

Bobby Deol ayaa shirkada Ashtavinayak ka codsaday inay Imtiaz Ali filimkan u maal galiyaan sidoo kalena Bobby wuxuu la hadlay Kareena Kapoor inay filimkaan la sameyso.

Balse Kareena Kapoor wey ka caga jiiday sameynta filimkaan sidoo kalena shirkada Ashtavinayak waxay ka madax adeegtay Imtiaz Ali oo aan Director weyn ahayn inay xiligaas filimka Jab We Met u maal galiyaan.

Kadib Bobby Deol wuxuu la kulmay Preity Zinta oo uu ka codsaday filimka Jab We Met weyna ka aqbashay inay la sameyso balse waxay codsatay in mudo 6-bilood ah waqti la siiyo si ay arimo u gaar ah isaga xaliso.

Bobby Deol ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inuu markii dambe yaabay markii uu maqlay in Director Imtiaz Ali uu filimkiisa Jab We Met la saxiixday Shahid Kapoor iyo Kareena Kapoor sidoo kalena shirkada Ashtavinayak maal galineyso isagana meesha laga saaray!
Bobby Deol sidoo kale wuxuu xusay in filimka Highway ee Ali Bhatt iyo Randeep Hooda sameeyeen isagan loogu tala galay inuu Director Imtiaz Ali u sameeyo balse uu balanka kaga baxay.

Bobby Deol wuxuu sheegay in Imtiaz Ali uu saaxiibkiisa yahay sidoo kalena filimkiisii kowaad Socha Na Tha uu walaalkiis Sunny Deol u maal galiyay balse isagana uu labo filim balanka kaga baxay.

Bobby Deol ugu dambeyntii wuxuu yiri “Imtiaz saaxiibo ayaan nahay balse waxaan u sheegay inaaan filimadiisa daawan doonin ilaa uu hal filim aniga hogaamiye iiga dhigaayo si aan u hilmaamo qaladadkii uu hore iiga galay!”








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment