Bulsha:- Atariishada weyn Deepika Padukone ayaa 10 sanno ka hor kusoo biirtay shirkadda aflaanta dalka India e Bollywood markaasoo ay kusoo gashay filimkii Om Shanti Om kaasoo ay la hogaamineysay jillaaga caanka ah Shah Rukh Khan.
10 sanno ka dibna, Deepika Padukone waa atariisho caalami ah iyadoo haatan filimkeedii ugu horreeyey u sameysay shirkadda aflaanta Mareykanka Hollywood waxayna filimkaas la hogaamineysaa atooraha weyn ee u dhashay USA Vin Diesel.
Shabakadda PV Times ayaa wareysi gaar ah la yeelatay Deepika iyadoo filimkeeda x-x: Return of Xander Cage haatan si wacan looga daawanayo gudaha India oo xilli h--e la saaray, atariishadaan ayaana daaha ka qaaday in aysan aqoon u laheyn kaamirada, nalalka iyo qaabka jilliinka markii ay kusoo biirtay Bollywood.
Markii wax laga weydiiyey safarkeedii 10ka sanno qaatay ee ay ku gaartay saaxada sarre ee fanka India, Deepika ayaa ku jawaabtay: “Hagaag, wuxuu ahaa safar aad u qurux badan. Markii aan u imid si aan u duubo filimkeygii ugu horreeyey ee Bollywood waxba aqoon ah uma laheyn.
“Wax fikrad ah kama heysan kaamirooyinka, nalalka ama waxa aan jillaayo. Waxaan halkaas tegay anigoo ku socday magac jillaa laakiin wax aragti ah kama aanan heysan shaqada aan qaban doono.
“Muddo sannado ah ayey igu qaadatay inaan barto jilliinka ugu wanaagsan waxaana helay khibrad cajiib ah, wuxuu ii ahaa safar aad u qurux badan isla markaana la yaab leh. Ma ahan oo keliya inaan uga hadlaayo qaab xirfadlenimo balse qaab shaqsi ahaaned ayuuba cajiib iigu ahaa.
“Wax badan ayaan kusoo bartay safarkaan. Nasiib ayaan ku lahaa inaan soo galo shaqadaan oo aan soo jiito dad badan, inaan doorar badan aflaan ku sameeyo, inan u safro goobo kala duwan oo dunida ah. 10 sanno ka dib heerkaan ayaan maanta joogaa, aad ayaana ugu faraxsanahay”.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment