Bulsha:- ariyada caanka ee reer Hargeisa Sagal Mustafe Xassan Nuur ayaa u hanjabtay cid walba oo isku dayi doonta inay joojiyaan showga ay fanaanada caanka ah ee Farxiya Kabayare ku dhigi doonto Hargeisa iyadoo balan ku qaaday inaan cid ka hor joogsan doonin,
Waxaana sidoo kale la joogtay markay hadalkaas lahayd Bushaaro Baande oo hadalka ku waafaqday
sheegtayna inay jeegantu wado oo showgas qalalaase laga galin doonin (Jeeganta oo ah magac suuqi ah oo loo yaqaano Labada beelood ee Habar Jeclo iyo Sacad Muuse oo ay kasoo kala jeedan Sagal & Bushaaro).
Waxaana xusid mudan inay hadalkooda dad badan u fasirteen
Kooxda Xidigaha Geeska oo hore sabab ugu noqday baaqashada labadii show ee hore ee Nasteexo Indho iyo Showgii Ahmed Biif.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment