Bulsha:- Farduus Ibraahim Cali Shire oo kamid ah Hablaha Waxgaradka ee kasoo Jeeda Deegaanada Khaatumo ayaa Luuqad Adag kula Hadashay Qaar kamid ah Isimada dhaqanka oo dhowaan Shir ku yeeshay Tuulada Higlada oo u dhaxaysa Laascaanood iyo Garoowe.
Farduus ayaa sheegtay in Xilka ISIMNIMO uu yahay wax ay Bulshadu Qofka u dooratay, Laakiin aanu Ahayn Waxyi kusoo degay iyo Wax uu ku dhashay, Waxayan siwayn uga hadashay sida ay uga Gaabiyeen Howlihii Dhaqanka iyo Nabada ee loo doortay.
Dhinaca kale waxay sheegtay Hadii ay Masiirka Bulshada SSC ka damqanayaan waxa ay uga hadli waayeen Boobkii Maamulka Puntland uu ku sameeyay Xildhibaanada Dawlada Soomaaliya ? Marka ay maanta ka Qaylinayaan Wadahadalka Khaatumo la furtay Somaliland.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment