Bulsha:- Naadiga ka ciyaara horyaalka Germany ee lagu magacaabo DARMSTADT ayaa waxaa si rasmi ah u isaga fasaxay Anis Ben-Hatira oo ah xiddig ka ciyaara qadka dhexe oo u dhashay dalka Tunisia.
Madaxda kooxda iyo xiddigaan qadka dhexe Anis Ben-Hatira ayaa isku afgartay in la burburiyo heshiiska uu kooxda kula joogo ka dib markii uu dhaleeceyn xooggan kala kulmay warbaahinta Germany.
Arrinta ugu yaabka badan ayaa waxay tahay in Anis Ben-Hatira uu shaqadiisa ku waayey Sadaqo Islaami ah oo uu bixiyey, waana ciyaaryahan mushaharkiisa sadaqo ka baxsada.
Anis Ben-Hatira wuxuu dhalleeceyn kala kulmay warbaahinta Germany maadaama uu samafal Islaami ah bixiyo, waxaana ninkaan warbaahinta Germany ay ku sifeysay inuu yahay xagjir.
Lacagaha sadaqada ah ee uu bixiyo Ben-Hatira oo uu sii mariyo heyaddo islaami ah ayaa ayaa waxaa loogu gargaaraa dadka tabaaleysan ee ku dhaqan Syria, Somalia, Palestine Afghanistan iyo dalal kale.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment