Caadeysiga siigeysashada waxay keentaa dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah, waxaa ugu muhiimsan:

Bulsha:- Daal iyo tabardarri joogto ah weliba khaas ahaan hadduu qofka joogteyso maadaama xilliga qofka uu samaynayo arrintaan uu jirkiisa oo dhan wda kacsan yahay oo dheecaanno iyo hormoonno badan la soo daayo kuwaaso ay ka mid tahay in murqaha jirka dhan ay giijismaa, qanjirrada sida kuwa dhididka oo wada shaqeeyo, korontada iyo dhambaallada maskaxda oo aad u sarreeyo. marka haddii xaaladdaan jirka uu la qabsado waxay saamaynaysaa habdhiska jirka noocyadiisa kala duwan.

2- Xanuun dhabarka qeybtiisa hoose ah, kaasoo saamayn kara murqaha, ricirrada lafdhabarta iyo carjawda u dhaxeyso intaba, tan mustaqbal ahaan waxaa dhici karto inay carqalad u keento galmada dabiiciga ah.

3- Timaha oo yaraadaan ama daataan, joogteynta caadeysiga siigada waxay khalal ama isbaddal ku samaysaa hormoonnada jirka, tan waxaa ka mid ah kuwa qaabilsan korrinta iyo kobcinta timaha, taasoo haddii ay yaraato ama la waayo ay timaha daciifi karaan ama si sahlan u daadan karaan.

4- Kacsi la’aan (Hawlgabka kacsiga ee dhalinta), hami yarida iyo kacsi la’aanta waa cillad ay keenaan waxyaabo badan, siigeysiga wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu horreeeyo oo arrintaan ay keento khaas ahaan markuu qofka la qabsado siigaysiga, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan howlgabka kacsiga iyo xalkiisa intaba:
5- Biyo-bax degdeg ah, in qofka uu in muddo ah uusan celin karin biyahiisa xilliga galmada waxay noqon kartaa raad uu siigeysiga ku reebay waana dhibaato aad ugu badan dhalinyarada guursatay awalne caadadaan joogteyn jiray, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan biyo-baxa dagdagga ah:

6- Aragga oo caad yeesho ama aragtida oo daciif noqoto waa xaalad lagu arko dhalinyarada ku duqowday siigaysashada oo muddada dheer soo samaysay, mana ahan caadkii indhaha fuuli jiray ee la yaqiinnay “cataract” ee waa nooc ka duwan.

7- Bisqinleyda iyo xiniinyaha oo xanuuna.

8- Xanuun iyo casiraad laga dareemo moqor miskeedka iyo dabaqanaanta.

9- Qofku wuu ku walfi karaa oo dhib ayay hadhowdii ku noqoneysaa in uu iska gooyo caadadaan, waxayna saameyn kartaa nolosha guurka iyo qoyska, hadduu qofka arrintaan iska jari kari waayo.

10- Wuxuu kaloo keenaa waxa loo yaqaano “Semen leakage” oo ah in biyuhu soo dareeraan iyadoo wax dareen kacsi ah uusan jirin ama iyadoo kacsi jirin in qofka uu biyo-baxo ama isagoo aan dareeminba.


11- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la’aanta, tanni waa mid ay dhakhaatiirta arrintaan la tacaalo ay ka sheegaan dadka caadaystay howshaan, waana arrin ay dhib badan tahay in caafimaad ahaan loo xalliyo haddii ay kaa soo gaartay siigeysiga.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment