Waa kuma qofka ugu da’da yar Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ?

Bulsha:-  Ikraam Aadan Absuge oo ah qofka ugu da’da yar Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in markii u horeysay ay tahay oo ay Xil qabato, isla markaana ku dhaarato Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Wareysi ay siisay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegtay inay dareemeyso xilka adag culeyskiisa iyo kitaabka ay ku dhaaratay, iyadoo tilmaamtay inay wixii ay u dhaaratay ay dooneyso in dalka, dadka iyo diinta ku difaacdo, waxna ugu qabato.

“Waligey xil ma aanan qaban, waa markii u horeysay, waxaa ahaa Arday, waxaa ka baxay Jaamacad oo aan bartay Maamulka Ganacsiga, waa markii iigu horeysay oo aan Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku dhaarto, waana mid culeyskeeda leh”ayay tiri Ikraam Absuge.



Mar la weydiiyay da’deeda waxaa ay sheegtay in 26 jir ay tahay, waxaa ay sheegtay inay dooneyso in dalka siyaasadeeda wax ku soo kordhiso, ka gabar ahaan, isla markaana is bedel iyo waxqabad la timaado.
Sidoo kale mar la weydiiyay hadii ay caqabad la kulantay markii ay dooneysay inay Xildhibaan noqoto ayay sheegtay in aanay wax caqabad ah la kulmin, ugaaskeeda iyo dadkeeda ay soo dhoweeyeen.
Ikraam Aadan Absuge ayaa ka mid aheyd Xildhibaanada Baarlamaanka ee lagu doortay magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug, waxaa shalay lagu dhawaaqay inay tahay gabadha qofka ugu da’da yar ay tahay Baarlamaanka.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment