Bulsha:- Goosgooska filimka Baywatch ayaa shalay oo Khamiis aheyd lasoo saaray, Zac Efron ayaana ilbiriqsiyo badan kasoo muuqday goosgooskaan si la mid ah Dwayne Johnson oo aad u garan ogtahay The Rock.
Si kastaba ha ahaatee, taageereyaasha Priyanka Chopra ayaa niyadjab xoogan ka qaaday goosgooskaan maadaama atariishada reer India aysan ku laheyn goosgooskaan wax ka badan hal ilbiriqsi, taageereyaasheeda ayaana rajeynayey inay waqti badan ku yeelato goosgooska filimkaan.
Twitter laantiisa India ayaa waxaa ka bilowday olole ay ku raadinayaan taageereyaashu sababtii Pee Cee looga waayey goosgooska filimkaan, bedelkeedana loogu arkay hablo intooda badan ku lebisnaa dharka dabaasha. Keliya muuqaalkaan yar ee hoose ayeyna ku leedahay goosgooskaan.
Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha filimkaan Dwayne Johnson ayaa wuxuu u hubiyey taageereyaasha reer India inay waqti badan ku arki doonaan 34 sanno jirtaan goosgooska soo socda.
Priyanka Chopra ayaa iyana barteeda Twitter ugu jawaabtay The Rock, waxayna u hubisay inay jecel yihiin taageereyaasha India, isla markaaa ay jeclaan doonaan wax walba oo ku saabsan filimka Baywatch.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment