Bulsha:- Bollywood King Khan iyo Priyanka Chopra ayaa dib u midoobi doonaan markale waxayna ka wada shaqeyn doonaan Director Sanjay Leela Bhansali filimkiisa xiga Gustakhiyan.
SRK iyo Priyanka waxaa isugu dambeesay sanadii 2011 ayagoo markaas wada sameeyeen filimkii Hit-ka noqday Don 2 wixii markaas ka dambeeyay islama shaqeynin.
Sida wargeska Mumbai Mirror qoray Sanjay Bhansali dhawaan ayuu la kulmay wuxuuna la wadaagay sheekada filimka Gustakhiyan ee looga hadlaayo gabyaaga iyo laxamiista caanka ah Sahir Ludhianvi.
Inkastoo weli SRK saxiixanay hadana waxaa la sheegay inuu xidigaan aqbalay inuu sheekada filimkan aqristo sidoo kalena wuxuu SRK diyaar u yahay in mashruucaan Priyanka Chopra la sameyso hadii uu sheekadiisa ka helo.
Director Sanjay Leela Bhansali wuxuu qorsheenayaa in filimka Sahir Ludhianvi SRK iyo Priyanka Chopra sanada 218 ka hawl galaan.
Priyanka Chopra dhawaan ayay kulan la qaadatay Director Sanjay Bhansali waxayna ka aqbashay inay filimkiisa Sahir Ludhianvi atirisho kowaad ka noqoto.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment