Bulsha:- Jilaaga caanka ah Saif Ali Khan ayaa ka hadlay arinka ku aadan in gabadhiisa curada ah Sara Ali Khan kusoo biiri doonto Bollywood-ka dhawaan.
Waxaa la isla dhex maraayay in Sara Ali Khan filimkeeda kowaad la sameyn doonto wiilka Shah Rukh Khan ee lagu magacaabo Aryan Khan.
Hadaba Saif Ali Khan ayaa xaqiijiyay in gabadhiisa filim jilista kusoo biiri doonto wuxuuna yiri “Aadban ugu faraxsanahay in Sara Bollywood-ka kusoo biiri doonto, waxaa naga dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan, waxaan u ahay qof hago, saaxiib iyo filosofar iyada hago”
“Safar ayaan Talyaaniga ku wada tagnay dhawaan waxaana ka wada hadalnay arimo fanka ku aadan anigoo siiyay talo ku filan”
“Waxaan u sheegay in hooyadeed Amrita Singh wax badan i bartay markii aan magaalada Mumbai ku cusbaa sidoo kalena hagtay nolosheydii fanka”
“Gabadheyda Sara waxay jecleed inay filim jilista ku biirto tan iyo markii ay labo sani jirtay, sidaa darteed ma ahan jaceyl hada ku dhashay inay Bollywood-ka kusoo biirto”

“Sara uma baahno in la garab istaago lana caawiyo balse hadii ay caawinaad u baahato marwalbo diyaar ayaan u ahay waxaan u rajeyna mustaqbal wanaagsan…….”
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment