Naag African ah oo baaraysa haweeney soomaaliyeed xamar

Bulsha:- Marka aad aragto sawirkan waxaad dareemaysaa dadka marka dulli ku dhaco sida ay noqonayaan, maxaa ka xun maanta inay naag gaal ah oo ay sidan u dulleysato haweeney muslin ah iyadoo dalkeeda joogta sheekadan waxay ka dhacaysaa xamar, waxaa su’aal mudan in lays wayddiiyo maxaa sidan inoo keenay? 

runtii waxaa inoo keenay diinteena markaan ka tagnay oo aan isdilnay qabiil aan caabudnay ayaa Ilaahay nagu soo saliay gaalo oo nagu dullaysanayo dalkeena gudihiisa, sawirkan ayaa kugu filan haddii aad tahay nin dhiig leh.



maxaa naga dhigay dad aan wax fahmaynin?  soomaali maxaa looga waayay qof caaqil ah oo fami kara dhibka uu leeyahay waxa ka jira dalka oo nacayb iyo qabyaalad ah, maxay isu naceen hawiye iyo darood oo dhabtii walaalo ah, sow ma aha soomaali dad muslimiin ah? maxaan ka falaynaa qabyaaladda sidan inoo gashay. waxaa yaab ah dadka soomaalida wax bartay oo ka dhigtay waxbarashada inay tahay wax la isugu faano keliya, waxbarashada waxaa loogu talagalay inay natiijo keento taas oo ah inay dadka badasho maxaa ka dhigay qofka soomaali qof sida xoolaha u fikira, dad waxaad arkaysaa baasabooro gaalo wata oo la dagaalamaya soomaali inay dowlo hesho oo nabad hesho wuxuu leeyahay dowladda soomaali waa gaal isagana wuxuu wataa baasaboor dowlad gaal ah gar weyn buu leeyahay, waxaad arkaysaa naag niqaaban oo leh al-shabaab baan taageersanahay waxay xambaarsan tahay baasaboor kirishtaan ah soomaliyeey caliga waa muhim diinta waxaa lagu fahmaa caqli nadiif ah qofka majnuunka ah waa laga cafiyay waajibaadka waayo caqli ma laha, sheekada haka dhigina hawiye iyo daarood ee u fiiriya muslinimada iyo walaaltinimada soomaaliyeed.
sheekada soomali ilaa iyo hadda waa lala yaaban yahay waa arrin yaab badan oo laga naxo sawirkanayaa kugu filan haddii aad tahay nin caqli leh sawirkaan inuu dhiigaaga kiciyo, haddii aad dameer tahayna waxaa kugu haboon inaad is aasto adoo nool







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment