Muxuu salka ku hayaa dagaalka cusub ee Faroole iyo Gaas? (Xog)

Bulsha:-  C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa bannaanka soo dhigay tuhun horay loo qabay oo ahaa khilaaf isaga iyo madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ka dhaxeeyay, kaasoo salka ku haayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si cad afka u furtay, isagoo ku eedeeyay madaxda Puntland arrimo dhowr ah oo ugu horeyso in deegaanadooda ay ka maqan yihiin in mudo fog ah, xili gobolada qaar ay abaar ba’an ka jirto iyo colaado ku furan.

Sidoo kale, waxuu ku eedeeyay in ay madaxda Puntland inay kala xireen isu socodkii dadka iyo ganacsiga magaalada Gaalkacyo, taasina ay ku lug leeyihiin buu yiri mas’uuliyiin Puntland oo dagaal oogeyaal cusub noqday uu ku tilmaamay.

Dhamaan eedeymahaasi ayaa imaanaya xili C/weli Gaas ku sugan yahay Muqdisho, isla markaana uu taageerada xildhibaanada u raadinaayo musharaxa Cumar C/rashiid sidii uu u heli lahaa cododka xildhibaanada.
Faroole ayaa arintaasi u arka mid lagu maja xaabinaayo musharaxnimadiisa iyo in isbaheysi siyaasadeed sameysteen Cumar C/rashiid iyo Cabdiweli Gaas.

C/raxmaan Faroole ayaa ah siyaasi shaki badan oo meel fog wax ka arkin, go’aankiisana uu yahay mid caro ku saleysan mar walba.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment