Kriti Sanon Oo Aamir Khan Kala Soo Muuqan Doonto Filimka Thugs of Hindostan

Bulsha:- Atariishada Kriti Sanon ayaa maanta la hadal haaya in Super star aamir Khan kala soo muuqan doonto Filimka Thugs of Hindostan.

Filimka Thugs Of Hindustan waxaa hogaamiye ka ah Amitabh Bachchan Iyo Aamir Khan maanta waxaa la hadal Haaya in lagu soo dari doono atarshiida filimka Dilwale ee Kriti Sanon.

Kriti Sanon ayaa 2014 kusoo caan baxday filimka HeroPanti ee uu qarash gareeyeha ka ahaa Sajid Nadiadwala Waxaan hogaamiye ka ahaa Tiger shroff.

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Aamir Khan uu qorsheynaaya inuu Kriti Sanon uu filimka boos wanaagsan ka Siiyo sido kale uu ka dhigi doono mid ka mid ah da’yarta ugu wanaagsan Bollywood-ka waqti xaadirkaan laakiin wili Sii  rasmi ah looma shaacin arintaan.

Filimkaan ayaana duubis lagu bilaabi doono sanadka 2017 gaar ahaan bisha february waxaan daafaha caalamka laga daawan doono Diwali 2018 Filimkaan waxaa maal giliye ka ah shirkada Yash Raj Films.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment