Gabadhii Ninkeeda Daciifka Uu Ka Ahaa iyo Ficiladii Aay Sameysay

Bulsha:-  Gabar saalixad ah Ayaa Ninkeeda daciif ku ahaa Dhanka Diinta, gaar ahaan Salaadda Iyo Soonka, gabadhu wey waani jirtay, hase yeeshee wuu ku Xanaaqin jiray markey waaniso, oo wuxuu oran jiray :-
Ma adigoo Dumar ah ayaad i waanineysaa Anigoo Rag ah?, dabadeed waxey u sheegtay Ehelkiisa, iyagana waxey ku yiraahdeen:-Naa ma adaa ka wakiil ah Aakhiradiisa, maxaa kaa galay? Adiga taada un ka bax, Soonkiisa Iyo Salaadiisa laguuma dirsanee.

Gabadhii talo ayaa ku Caddaatay, wax ay sameyso ayey garan weyday, waayo aad ayey u jecleed Ninkeeda, dabadeed waxey u aaday Nin Sheekh ah, markey u warantay ayuu ku yiri:-

1- Adiga ku dadaal adkeynta Diintaada.
2- Badi Ducada aad Rabbigaada u baryeysid inuu ilaaheey kuu soo Hanuuniyo.
3- kula kaftan markuu wax kaa dalbado, inaad Adigana ka dalbatid inuu kuu keeno Weysada Iyo Sijaayadda.
4- inta badan ku hor tuko markuu guriga joogo.
Haddaba, markey muddo ka soo wareegatay ayey ku tiri:- Weynu Dalxiis tageynaa Maxaad ka qabataa? wuxuu yiri:- Adiga noo door meel aynu aadno.

Gabadhii waxey tiri :- Cimrada ayeynu aadeynaa oo waxeynu soo baraneynaa Dhulkii Barakeysnaa
Haddaba, Fadligii iyo Dadaalkii gabadhaasi ilaaheey wuu la garab galay oo Ninkii wuxuu ku soo hanuunay Dariiqii toosnaa ee Xaqa ahaa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment