Bulsha:- SRK iyo Alia Bhatt filimkooda Dear Zindagi ayaan hoos u dhac weyn sameynin Jimcadiisa labaad waxayna shabakada Boxoffice India xaqiijisay in maalintiisa 8-aad uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 2.25 Crore.
Dear Zindagi hoos u dhac baaxad weyn ma sameynin sidaa darteed filimkaan mudo 8-maalmood ah wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 49 Crore.
Dear Zindagi maal maha sabtiga iyo axada ganacsigiisa sare ayuu u qaadi doonaa madaama uu yahay filim dadka reer magaalka loogu tala galay sidoo kalena ay todobaadka dhamaadkiisa dadkaas tiyaatarada soo aadaan.
Dear Zindagi cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameyn doono filimkaan wuxuu gaari doonaa 65 Crore ilaa 70 Crore taasi oo xaqiijin doonto inuu Hit dhameestiran noqon doono.
Wuxuuna Dear Zindagi la mid noqon doonaa filimada sanadkaan Hit-ka noqdeen ee magaalooyinka waa weyn kaliya laga daawaday sida Neerja, Kapoor & Sons iyo Pink.
Fadlan hoos kaga bogo Dear Zindagi ganacsiga uu sameeyay ilaa haatan:
Todobaadka kowaad – 46.75 Crore
Jimcada labaad – 2.25 Crore
Wadarta Guud – 49 Crore (Trade Figure)
Filimka Dear Zindagi weli ganacsi xoogan Koonfur Hindiya ayuu ka sameenayaa wuxuuna Mysore ka keeni doonaa 6 Crore sidoo kalena Tamil Nadu / Kerala wuxuu ka sameeyay ganacsi balaaran oo ka caawin doono inuu ka mid noqdo 5-filim ee lacagaha ugu badan sanadkaan halkaas kasoo xareeyeen.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment