Bulsha:- Weligey kama shakin daacadnimadaada xitaa daqiiqado yar,waxaa la ii sheegay inaad daneyste tahay oo aad keliya naftaada ka fekerto,laakin aniga taas ma qaadan.
Sidee iigu sheegeysaa inaad aniga ii nooshahay mar hadiiba aad naftaada keliya inaad qanciso hamigaaga nolosha uu yahay?
Waan ku arkay adigoo i qiyaamay,laakin waxaad ku adkeysaneysaa in aadan qalad iga gelin, sidee loo kasbadaa daacadnimo mar hadii aan indhaheyga ku saaray?
Markii aan is iri waad wada dhisi kartiin nolol aayotiin wacan leh oo qalbigeyga aan gacanta kaa saaray waxaad na dhex dhigtay masafooyin .
Qalbigeyga wuxuu la taahanayaa xanuunadii aad u geysatay,adigoon aanan ka fekerin cawaaqibka ka dhalan kara dibindaabyadaada.
Aniga waan ka baxay noloshaada dhaawacyada iyo cadaadiska badneyd ,mana i arki doontid waqti kale.
Waxaan rabi lahaa inaad mar dareento waxa aan kuu qabo,haseyeeshee aad ayey kugu adkaatay inaad tijaabiso marxaladaas.
Hadey kula tahay nafta bini aadamka sida ciyaaraha game-ka waad qaldan tahay xabiibi,naf ku aamintay abaal loogama dhigo qiyaano, Lamana dhaawaco qalbi kuu furay albaabadiisa inaad naxariis kula noolaato,haseyeeshee waqti badan ayey qaadaneysaa dad badan oo qalbiyadooda uu hogaamiyo dhaldhalaalka hore ee indhaha soo jiita.
Waa xaqiiq weynoo kala dhamaatay ka faa’iideyso xanuunka aan qabo,kuna noolaaw farxada qalbijabkeyga.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment