Dumarka Intey Noool Yihiin Noloshooda Waxey Ugu Neceb Yihiin In Erayadaan Aay Kala Kulmaan Midka Aay La Wadaagayaan Nolosha.

Bulsha:- Maxay lamaanayaal badan uga go`aan wada sheekeysiga iyo xariirka xilli ay hal qol ku wada jiraan ? suura gal ma tahay in eryada ninka ka imaanaya isaga oo aan ogeyn in ay saameyn xun ku reebaan haweeneyda oo ay dilaan dareemaheeda ? hadaba erayadaan iska ilaali dareemaha haweeneyda ayay dilayaan .

* Adiga Waad Ka Bad Badineysaa : Ogoow haweenka waxa ay leeyihiin caadifad iyo naxariis dabiici ah taas oo keeneysa in dareemahooda noqdaan kuwo ka bad badis ah ninyahoow halka aad ka dhihi laheyd waad ka bad badineysaa waxaad is ticmaashaa waan fahmayaa waxa ad dareemeysid .

* Culeyskaada Waa Uu Kordhay : marka la joogo arintaan , haweenka aad ayay u neceb yihiin in ay raggooda ka maqlaan jumaladaas , waxa ay jumladas u turjumanayaan inta badan in quruxdooda ay dhamaatay oo ay zuushay ,waxa ayna taasi ku keeneysaa in ay si xooggan uga shaqeyso sidii ay kasban laheyd ku qanacsanaanta ninkeeda taasina waxaa ka dhalanaya in aysan dareemin wax raaxo ah gaar ahaan marka ay wada cunteynayaan.

* Maxay Tahay Madax Adeegnimadaan Halka .. : qoys waliba dabeecado gaar ah yuu leeyahay , haddii ay jiraan dhibaatooyin waxaa muhiim ah in aad xaliso mana aha wax muhiim ah in arinta ku xaliso adiga oo la bar bar dhigaya dad aad wada garaneysaan , guriga si tar tiib ah ayuu u dumayaa marka wax xalinta noqoto in qoys kale lagu bar bar dhigo , haweeneyda waligeed ma ogalaaneyso ayay daajis.com ku leedahay in ninkeeda uu la bar bar dhigo haweeney kale xitta haddii ay tahay walaasheed , hadaba ninyahoow aan xariifka ahayen arintaan il gaar ah isaga yeelo oo macaantaada niyadda haka jibin.

* Aan Kaa Nafiso : Ceeb ma ah in ninka kaligiis waqti uu qaato balse haweeneyda ma jecla in ninka eryagaas ka maqasho maxaa yeelay waxa uu ku qasbayaa in ay ka fikirto waxa ninka ku dhacay iyo in ay jirto haweeney kale oo mashquulineysa , waxa yna maskaxda ka buuxsaneysaa in dhibaatada ninkeeda kala dhex aloosan aysan laheyn xal ninayhoow sharafta leh hadii aad dooneyso in waqti kuu gaar ah aad ku qaadato banaanka u sheeg lamaantaada sabata aad ugu baahan tahay arintaas si ay u dareento deganaasho oo ay neefta uga soo fuqdo ogoow haweenka waa caruur .

* Adiga Si Ayaad U Qalafsan Tahay : haddii ninyahoow eraygaan uu kaa soo yeero waxa ay u qaadaneysa mid xanuunsan oo qabta xanuunada nafsiyanka ah kana dhigeysa in ay soo deyneyso fikrado qalafsan oo aan isu dheeli tirneyn taasina xanaaq ayay ku keenysa, ogoow naceyb ayay ku qaadeysaa kullamaa aad erayagaas u adeegsto ninyahoow .
* Qoyskeyga Kuma Jecla : Xittaa haddii ay sax tahay iska indha tir oo waligaa ha sheegin oo haku dhihin arintaas ee ninyahoow waxaad xoogga saartaa sidii aad isugu soo dhaweyn laheyd labada dhinac halka aad u bandhigi laheyd in qoyskaada aysan jaceyleyn iyada.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment