Bulsha:- Aad bay u fudfudud yihiin, ma garanayaan waxa maslaxadooda ah, marka nin ku dhaho abaayo macaan waan ku jeclahay isla markii ayay ku boodaan waxayna u haystaan inuu yahay jacaylkiisa mid dhab ah, laakin naagaha gaaray sodonka 30 aad ayay u feejigan yihiin,
taasna waxay u noqonaysaa da’da, qofka marka uu gaaro soddon maskaxdiisa qaabka ay u fikirayso way isbadalaysaa, mar kasta wuxuu ka fiirinayaa wax walbo labada weji uu yeelan karo, dhibka iyo waxtarka uu leeyahay, laakin naagta marka ay yar tahay waxay arkaysaa hal dhinac keliya,
immisa naag oo nin been u sheegay raacay oo ka tagay aabehii korinayay yaraanteeda ilaa ay ka soo weynaato, hal erey keliya ayaa lagu baddalay kaas oo ah abaayo macaan waan kuu dhimanayaa la’aantaad ma noolaan karo, hadalkaas waxay u qaadatay miskiinta inuu yahay dhab.
ninkaan hadda sidaan kugu leh beritto ayuu naag kale hadalkaas ku dhahaa, isaga waxay ka tahay gabadhaan ku soo jiido hadalka macaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment