Bulsha:- Tiger Shroff iyo Disha Patani waxay ka mid yihiin jillaayaasha dhallinyarada ah ee sida aadka ah u shidan kuwaasoo iska dhex doortay Bollywood Town.
26 sanno jirkaan Tiger Shroff ayaana lagu soo waramayaa inuu si aad ah u farogeliyey nolosha gaarka ah ee 24 sanno jirtaan ay saaxiibka yihiin Disha Patani… Inkastoo ujeedkiisu yahay inuu sameeyo tallaabo kasta oo uu ku taageeri karo.
Shabakadda DNA ee dalka India ayaa daaha ka qaaday arrintaan, Tiger ayaana malaha ugu faanaya saaxiibtiis Disha inuu xiddig ahaan kaga saameyn badan yahay shaashadaha.
Ilo la hadlay shabakadda DNA ayaa yiri: “Wuxuu u sheegayaa Disha nidaamka ay tahay inay cunnada u cunto, habka ay tahay inay jimicsiga u sameyso. Hubanti waxaa ah inuu doonayo inuu keliya caawiyo iyada.
“Laakiin dhawaanahaan wuxuu bilaabay inuu kula taliyo naqshadda labiska ay tahay inay xirato iyo halka ay tahay in lagu arko. Balse atoorahaan dhallintayar uma sheego saaxiibtiis aflaanta ay tahay inay saxiixdo iyo waxyaabaha ay tahay inay ayido.

“Balse sida muuqata tallooyinkiisa xadka dhaafay waxay farogelin toos ah ku noqdeen nolosha gaarka ah ee Disha, iyana waa ay u sheegtay inay ku adag tahay tallooyinkaan inay raacdo.”
DNA ayaa xiriir la sameysay Tiger wuxuuna siiyey jawaabtii ugu sahlaneyd markii ay wax ka weydiiyeen wararkaan xanta ah.
“Cidna anigu uma sheego waxa ay tahay inay sameyso, waxaan ku mashquulsanahay nafsaddeyda iyo shaqadeyda Bollywood Industry. Ma ihi shaqsi lataliya dadka, waxaa fikrad iyo tallo iiga baahan nafsaddeyda. Xitaa walaasheey Krishna uma sheegu karo waxa ay tahay inay sameyso”.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment