Atariishada reer India Priyanka Chopra, ayaa waxay haatan wacdaro ka dhigeysaa Hollywood ka dib markii si wan……

Bulsha:- Atariishada reer India Priyanka Chopra, ayaa waxay haatan wacdaro ka dhigeysaa Hollywood ka dib markii si wanaagsan ay daawadeyaashu usoo dhoweeyeen musasalkeeda Quantico qeybtiisii koowaad, waxayse sheegtay inay u xiistay jilliinka aflaanta Hindiya isla markaana aysan sugi karin inay sameyso filimkeeda xigga ee Bollywood.

Priyanka ayaa waxay Talaadadii barteeda Twitter ugu qabatay taageereyaasheeda barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo si toos ah loo soo weydiinayey, mid ka mid ah taageereyaasheeda ayaana weydiiyey haddii ay u xiistay aflaanta Bollywood.

Priyanka ayaa ku jawaabtay: “Haa, waan u xiisay aflaanta Hindiya. Mana sugi karo inaan sameyo filimkeyga xigga ee Bollywood”.

Musasalkeeda Quantico wuxuu kasoo muuqday liiska Favourite Network TV Drama, sida lagu soo bandhigay xafladdii loogu magac daray People’s Choice Awards wuxuuna liiskaas ku wahliyey musasallada Empire, Grey’s Anatomy, Chicago Fire iyo How To Get Away With Murder.
34 sanno jirtaani waxay haatan sugeysaa filimkeeda ugu horreeya ee Hollywood waana Baywatch oo ay la hogaamineyso xiddigaha Dwayne Johnson iyo Zac Efron. Waxaana filimkaan tiyaatarrada la saari doonaa 26ka bisha May ee sannadka soo aadan, Priyanka waxay ku matali doontaa doorka laadarnimo iyadoo xambaarsan magaca Victoria Leeds.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment