Bulsha:- Ardayga ku fiican dugsiga ama skuulka ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu xariif yahay. Waxa loogu yeeraa xariifka dugsiga. Hadaba laba nooc oo waxa jira kala duwan oo qofka xariifnimadiisa lagu cabiro. Midi waa ta dugsiga ama skoolka oo loogu yeero “IQ – The Intelligence Quotient” midna waa ta dareenka oo loogu yeero “EQ – Emotional Quotient”.
Dadka EQ sare leh ayaa ayaguna ah dad aad xariifiin u ah. Arimaha lagu gartona waxa ka mid ah 5-tan calaamadood:
1 – Waa dad og dareenkooda
Dadka leh xariifnimada dareenka ayaa ah kuwa og dareenkooda. Waxa laga yaabaa in uu qofku arin qalad ah sameeyo laakiin hadii uu yahay mid dareemi kara qaladkaas ayaa waxa jirta fursad uu wax kaga bedeli karo qaladkiisa.
2 – Xukumi kara dareenkiisa
Waa qof xukumi kara dareenkiisa, tusaale ahaan sida uu hore u yidhi aqoonyahnkii griiga ahaa ee la odhan jiray Aristoteles: “In la xanaaqo way fududahay, qof kastaa wuu xanaaqaa. Laakiin in aad qof sax ah, arin sax ah, xili sax iyo arin sax ugu xanaaqdid qof ma fududa”. Taas oo loog jeedo in aad xanaaqa iyo cadhada aad celinayso meel sax ah ku toosiso. Mid ka mid ah asxaabtiina waxa uu soo wariyay in qofka ugu xooga badani uu yahay qofka caradiisa xukumi kara, ama is qaban kara marka uu xanaaqo.
3 – Waa mid is dhiiri galinaya
Waxa aynu la kulmaan dhibaatooyin badan oo ina horjoogsada laakiin qof kastaaba si gooni ah ayuu uga gudbaa. Markaa qofka had iyo jeer naftiisa u sheega in dhibka hor taagan ka dambeeyo fudayd ayaa ah mid nolosha ka arka dhinaca fiican. Waa kuwa wanaag sheegayaal ah, looguna yeero “optimist”. Dadka hormarka fiican ka sameeya shaqada, dadkuna jecel yihiin ayaa inta badan ah kuwa dhinaca fiican wax ka eega.
4 – Darenka damqashada qalbiga ama naxariista (empathy)
Boqolkiiba 90 xiriirka dareenka ah ee ka dhexeeya waa mid aan ahayn hadal. Tusaale, sida marka uu qofku odhanayo: “marka aan gabadhaas arko waxa aan dareemaa naxariis”, ama marka uu qofku arko qof dhacayo uu ka naxo. Qofka oo dareemi kara in qof ka uu la hadlayaa murugaysan yahay, ama dareemi kara murugada haysata ayaa ah mid aad qaali u ah.
5 – La dhaqanka dadka
Waa qof farxaan ah, leh soo jiidasho ama burji, si wanaagsana wax dadka uga dhaadhicin kara. Si fudud u fahmi kara wada hadalka ka dhexeeya dadka lana qabsan kara – isla markaana ka hor tagi kara is qab qabsiga iyo saaxiibada aan dhabta ahayn
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment